Hoggaamiyaha Mucaaradka Tanzania oo eedeyn ku shubasho u jeediyay Madaxweyne John Magufuli.

Date:

Musharax Madaxtinimada mucaaradka ugu weyn dalka Tanzania, Tundu Lissu, ayaa ka soo hor muuqday Guddiga anshaxa ee gudiga doorashooyinka talaadan maanta ah isagoo wax laga weydiinayo eedeyn uu u jeediyay Madaxweynaha dalka John Magufuli taas oo aheyd in uu sheegay in Madaxweynaha uu la kulmay agaasimaha degmooyinka ee guddiga doorashada isla markana ka wadahadleen sidii Madaxweynaha ugu shuban lahaa doorashada bisha October qorsheysan.

Sarkaal sare oo ka tirsan Guddiga doorashooyinka Wilsan Mahere ayaa sheegay in eedeynta ay ka dhigan tahay in doorashada dalka ka dhacaysa aysan aheyd mid ku qabsoomaysa jawi xor iyo xalaal ah.

Xafiiska diiwaan gelinta xisbiyada siyaasadda ayaa warqad u direy xisbiga Mr. Lissu ee Chadema in hadalka uu soo dhigay baraha bulshada uu yahay mid khatar gelinaya amniga qaranka.

Agaasimayaasha fulinta degmada waxaa looga baahan yahay sharci ahaan inay u dhaqmaan sida saraakiisha soo noqoshada deegaanka inta lagu jiro doorashada. Xukuumadda ayaa dafirtay eedeynta ka timid Mr.Lissu.

Dhinaca kale, hogaamiyaha mucaaradka Tanzania ayaa sheegay in booliiska carqaladeeyeen kolonyo xisboga oo mareysay degaanka Nyamongo ee waqooyi dalka xilli ay ku socdaan goob ay ka ololeynayaan.Waxaa uu sheegay in taageeriyaashii six un loola dhaqmay la garaacay isla markaana ka dhibaateeyay qaarkood. Mr Lissu ayaa bartiisa Twitter soo geliyay muuqaal sheegaya isku dhaca u dhexeeya booliiska iyo shacabka.

Tanzania ayaa doorashada madaxtinimada la qorsheeyay in ay qabsoonta 28 bisha October, waxayna dadweynaha u codeyn doonaan xubnaha baarlamaanka iyo madaxweynaha . madaxweynaha talada haya John Magufuli ayaa hadda raadinaya in markii labaad dalka hogaamintiisa loo doorto shanta sano ee soo socota.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa waxaa ay sheegeen in xukuumadda ay sare u qaatay cadaadisk ay ku sameynayso mucaaradka, ururada aan dowliga aheyn iyo warbaahinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...