Gargaar la gaarsiinayo in ka badan 2,000 oo ruux oo uu saameeyay Webiga Shabeelle.

Date:

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo kaashaneysa Barnaamijka cuntada adduunka ee WFP ay raashiin siineyso dadka ku barakacay fatahaadda gobalka Shabeellaha hoose.

Qoraal safaaradu ay dhigtay barteeda Twiterka ayaa lagu sheegay in raashin ay siinayaan in ka badan labo kun oo qoys kuwaas oo qeyb ka ah kumnaanka kun ee ku barakacay fatahaadaha daran ee gobolka.

Fatahaadaha  ka dhacay soomaaliya laga soo billaabo bishii febaraayo ee sanadkan 2020-ka waxaa ay saameeyeen dad lagu qiyaasay 650,000 (Lix boqol iyo konton kun) sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Gobollada hodanka ku ah wax soo saarka beeraha ee labada Shabeelle ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee fatahaadu saameysay.

Dhul beereed dhan 75,000 (Todobaatan iyo shan kun) oo hektar ayaa sidoo kale ku baa ba’ay fatahaadaha wabiga Shabeelle.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...