Taliska Booliiska Dhuusamareeb oo ka war bixiyay Nin lagu dhaawacay magaaladaasi.

Date:

Taliska Ciidanka Booliska magaalada Dhuusamareeb ayaa faah faahin ka bixiyay qof fal dhaawac ah oo xalay gudaha magaaladaas loogu geystay Nin shacab ah kana mid ah dadka muruq maalka ah ee halkaas kunool.

Taliyaha Booliska Dhauusamareeb Nuur Cilmi Maxamed ayaa sheegay in Nin ku hubeysan tooreey uu fal dhaawac ah u geystay Nin lagu magacaabo Maxamed Saciid Xaashi oo muruq maal ah, kadib markii muran la xiriira lacag uu soo kala dhex-galay.

Waxaa uu sheegay Taliye Nuur Cilmi oo warbaahinta la hadlay in markii hore uu baxsaday Ninkii dhaawaca geystay, hayeeshee Ciidanka amniga howlgal ay sameeyeen lagu soo qabtay ninkaas.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...