Faahfaahin ayaa kasoo baxeysa diyaaraddii ku burburtay Calicut.

Date:

Mas’uuliyiinta waaxda duulista hawada ee Hindiya ayaa xaqiijiyay in Mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Air Indian, oo ay la socdeen 191 qof oo rakaab ah ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Calicut, oo ku yaalla Kerala ee koonfurta dalkaasi Hindiya.

Diyaaraddan ayaa kasoo duushay magaalada Dubai, waxaana la sheegay in ay cagaha la weysay waddadii ay ku dagi laheed diyaarada, taasi oo keentay in diyaarada ay u kala go’day labo qeybood.

Wasiirka duulista Hawada dalka Hindiya Hardeep Singh Puri ayaa xaqiijiyay in Shilkaasi ay ku dhinteen dad gaaraya 18 ruux oo ay ka mid ah yahiin labo duuliye, halka 127 ruuxna ay ku dhaawacmeen shilkasi.

Maamulka garoonka diyaaradda Calicut ayaa dhankooda sheegay in tirada rakaabka saarnaa Diyaardda uu gaarayay 184 ruux oo 10 kamid ah ay ahayeen carruur, sidokale waxaa dadkaasi ku jiray lix ruux oo  shaqaalaha diyaaradda ahaa iyo labo duuliye.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...