Faahfaahin ayaa kasoo baxeysa diyaaraddii ku burburtay Calicut.

Date:

Mas’uuliyiinta waaxda duulista hawada ee Hindiya ayaa xaqiijiyay in Mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Air Indian, oo ay la socdeen 191 qof oo rakaab ah ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Calicut, oo ku yaalla Kerala ee koonfurta dalkaasi Hindiya.

Diyaaraddan ayaa kasoo duushay magaalada Dubai, waxaana la sheegay in ay cagaha la weysay waddadii ay ku dagi laheed diyaarada, taasi oo keentay in diyaarada ay u kala go’day labo qeybood.

Wasiirka duulista Hawada dalka Hindiya Hardeep Singh Puri ayaa xaqiijiyay in Shilkaasi ay ku dhinteen dad gaaraya 18 ruux oo ay ka mid ah yahiin labo duuliye, halka 127 ruuxna ay ku dhaawacmeen shilkasi.

Maamulka garoonka diyaaradda Calicut ayaa dhankooda sheegay in tirada rakaabka saarnaa Diyaardda uu gaarayay 184 ruux oo 10 kamid ah ay ahayeen carruur, sidokale waxaa dadkaasi ku jiray lix ruux oo  shaqaalaha diyaaradda ahaa iyo labo duuliye.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo salaadda janaasadda ku tukaday AUN  Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (NAPDA)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo soo baxday

1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay Shirka...

Wasiirro ka tirsan XFS oo sagootiyay xujeydii ugu horraysay ee Soomaaliyeed ee Sanadkaan

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd garoonka...