Pudland iyo Hirshabeelle oo Magacaabay xubnaha ku metelaya Guddiga farsamada ee shirkii Dhuusamareeb

Date:

Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Hirshabeelle ayaa Magacaabay xubnaha ku metelaya Guddiga farsamada ee dhawaan madaxda Dowlada dhexe iyo Maamul Goboleedyada ay ku heshiiyeen inay ka soo shaqeeyaan hannaanka Doorashada la filayo inay ka dhacda dalka 2020/2021.

Xubnaha Puntland ku metelaya ayaa waxaa ay kala yihiin, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda iyo Cabdiweli Cali Cabdulle, Agaasime ku-xigeenka guud ee Madaxtooyada Puntland.

Jubbaland ayaa Magacaawday , Xirsi Jaamac Gaanni , Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada iyo Xamze Cabdi Barre oo ah Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland, halka Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu isagana Magacaabay laba xubnood oo kala ah Wasiirka arrimaha gudaha iyo Dowladaha hoose, Maxamed Cali Caadle iyo Madaxa Xafiiska Amniga Dowlad Goboleed Hirshabelle, Cabdi Maxamed Faarax Makaraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Bannaabax lagu diidan yahay xadgudubka Israa’iil oo ka socda Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xadgudubka maamulka Israa’iil uu ku...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...