Webiga Shabeelle Oo Fatahaad Saameysay Tuullooyin Dhowr Ah Ee Gobalka SH/Hoose.

Date:

Maamulka Deegaannada Sabiid, Caanoole, Moordiinle iyo Raqayle ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa ka hadlay fatahaad horleh ee uu webiga Shabeelle uu ka sameeyay deegaanadaasi ay saameyn xooggan ku yeelatay nolosha dadka tuullooyinka kadib markii ay biyaha ka dhashay fatahaadda ay baabi’iyeen dalagyadii sanadkan ka soo go’i lahaa beeralayda ku dhaqan tuullooyinkaasi.

Dadka ku nool deegaanadaasi ayaa ka soo barakacayay meelaha ay fatahaaduhu gaareen iyadoo ay qaar ka mid ah dadka kunool halkaasi lagu soo waramayo in ay ku go’doonsanyihiin iyadoo ay jirto xaalad dhinaca beni’aadannimo ee ka dhashay fatahaadaha webiga.

Guddoomiyaha Deegaanka Sabiib, Caanoole, Moordiinle iyo Raqayle mudane Maxamed Abuukar Axmed oo ka warbixiyay xaaladda saameynta fatahaada uu ku yeeshay deegaanka ayaa ka codsaday dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya iyo dowladda Federaalka Soomaaliya in ay u fidiso gurmad si looga samata bixiyo deegaannadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...