Wasiirka caddaaladda oo ka hadlay dil uu geystay Askari ka tirsan ilaaladiisa

Date:

Wasiirka Cadaaladda XFS Abuukaate, Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay inuu cadaaladda marayo Askari ka tirsan ilaaladiisa oo Magaalada Muqdisho ku dilay muwaadin Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa tacsi u diray ehelada, asxaabta iyo Xafiiska xeer ilaalinta oo uu ka tirsanaa marxuum , Maxamed Cabdulqaadir Cilmi oo ku baxay Gacanta Askari ilaala u ahaa Wasiirka Caddaaladda.

“Askariga waa lasoo qabtay wuxuu ku jiraa gacanta Dowladda , haddana waxaa lagu wadaa baaritaan, waxaana la horgeyn doonaa caddaaladda”,ayuu yiri Wasiirku.

Mudane, Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka caddaaladda Soomaaliya ayaa ugu baaqay Ciidamada qalabka sida in ay ka digtoonaadaan Hubka Gacantooda ku jira inay ku dhibaateeyaan Dad rayad ah oo aan waxba galabsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...