Guddoomiyeyaasha Labada Aqal Ee Baarlamaanka Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay “Sawirro”

Date:

Wafdiga oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Mudane Maxamed Mursal Sh.C/raxmaan iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee baarlamaanka ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho iyadoo ay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ay si diiran ugu soo dhoweeyeen Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale wafdiga waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynihii hore Ee Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa dalka Turkiga halkaasi oo ay diyaarad gaar ah ka soo qaaday xilli uu jiro weli hakad duulimaadyadii caadiga ahaa ee dunida inteeda kale sababo la xiriira cudurka Coronavirus.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...