Xudur Oo Weli Laga Wacyigelinayo Dadka Cudurka Caabuqa Karoona

Date:

Mustaf Maxamed Cali (Siimow) waa wacyigeliye muddo ka badan 50 sano ku jiray fariimaha bulshada lagaarsiiyo tan markii cudurka COVID 19 dunida ku faafay waxaana uu wacyigelin la xiriirta fahamka astaamaha lagu garto caabuqa korona iyo sida looga hortagi karo oo ah in ay dadku tegin meelaha laysagu yimaado nadaafadana lagu dadaalo

Mustaf oo aan weydiyay caqabadaha uu lakulmo marka uu wacyigelinta sameynayo ayaa iisheegey in bulshada ay yihiin kuwo u dhega nugul oo qaata fariimaha wacyigelineed hase ahaatee waxa uu sheegay caqabadaha ugu weyn ee uu dareemo in ay tahay maleeshiyada shabaab oo telefoon uga soo hanjaba balse uusan warkooda dhageysan

“Maleeshiyada Al-shabaab ayaa inta badan telefoon iisoo dira iguna hanjaba in ay i beegsan doonaan iyagoo sidoo kale iisoo dira fariimo ah waa lagu dilayaa guriga ayaa habeen laguugu imaanayaa laakiin igama hor istaagin inaan sii wato howlahayga wacyigelinta” ayuu yiri Mustaf Siimow.

Mustaf qalabka cod baahiyaha uu isticmaalo waa mid qadiimi ah batariga uu ku shaqeeyana uu ku yar yahay in laga helo suuqya, mustaf waxa uu sheegey in shaqadiisa wax saameyn ah ku yeelan horumarada dhinaca isgaarsiinta laga gaaray waxana uu codsaday in qalabka laga saacido si uu u joogteeyo wacyigelinta bulshada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay hormarinta xariirka diblomaasiyadeed ee labada Dal.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay xubnaha Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS shir guddoomiyay kulanka golaha Wasiirrada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasaaradda Qorshaynta oo Wadatashi Istiraatiijiyadeed la yeelatay Hay’adda WFP ee 2026–2030

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka...