Horjooge ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab oo isa soo dhiibay

Date:

Xudur(SNTV)-Ciidamada  Xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Bakool ayaa Horjooge Sare oo ka tirsanaa maleeshiyayada Argagixisada ah ee Al-Shabaab ku soo bandhigay degmada Xudur ee xarunta Gobolkaasi.

Horjoogahaan oo lagu magcaabo Colaad Cabdiraxmaan Maxamed Xerow,ayaa Kooxda Nabadiidka ah ee Al-shabaab ka tirsanaa 11 sano, Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee magaalada Xudur Ibraahim Isaaq Ibarahim ayaa sheegay in ninkaan uu markii hore xiriir la soo sameeyay kadibna uu isu soo dhiibay  ciidamada Xoogga dalka.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa uga mahadceliyay ciidamada Xoogga dalka dadaalada ay ugu jiraan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayeen haradiga kooxda Al–shabab ee dhumaaleysiga ku jira.

Colaad Cabdiraxmaan Maxamed xerow ayaa tilmaamay inuu kooxda arxanka daran ee Al-Shabaab ugu  shaqeyn jiray Darawalnimo, islamarkaana uu isaga soo baxay fikirkooda, kadib markii uu adkeysan waayay waxyaabaha ay sameynayaan oo aan raadka ku laheen shareecada Islaamka.

Howlgalada iyo wacyigelinta ay Ciidamada Xoogga Dalka ka sameeyen gobalada dalka ayaa waxaa ay keentay in ay isi soo dhiibaan maleeshiyaadka horay uga tirsanaa Al-shabaab gaar ahaan Horjoogayaasha, kuwaasi oo ka soo laabanaya Fikirka Xagjirka ah ee kooxda ku dhibaateyso shacabka.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlagaladii ugu dambeeyay ee ay ka sameeyeen gobalada Bay iyo Bakool waxaa ay kula wareegeen deegaanno dhowr ah oo ay maleeshiyadku ku sugnaayeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo khawaarijta ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay ee Gobolka Bay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku jabiyay...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo guddoomiyey Shirka Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Wasiiru-Dowlaha Caddaaladda oo xilka u kala wareejiyay taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta iyo taliyaha cusub

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya, ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Ilyaas...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saaybarka

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin...