Daawo la’aan ka jirta isbitaalka degmada Mahadaay

Date:

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, mudane Saalax Fuleel Xaaji oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in isbitaalka degmada ay ka jirto daawo la’aan,isagoo tilmaamay in xilligaan aysan degmada ka jirin goobo caafimaad oo lagula tacaalo bukaanada.

Guddoomiyaha ayaa walaac ka muujiyay cudurro soo rita dadka deegaanka maadaama lagu jiro xilliga kuleelaha waxa uuna sheegay in illaa iyo hadda hal qof uu ugu dhintay cudurka shuban biyoodka tuulada Mareereey halka laba kalane xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle.

Guddoomiye arrimaha bulshada Saalax Fuleel ayaa Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya iyo tan Hirshabeelle ugu baaqay in daawo lasoo gaarsiiyo isbitaalka degmada Mahadaay oo dadka dantayar ay ku tiirsanaayeen, isagoo intaa ku daray in hadda dadka xanuunadu ay soo ritaan loola cararo magaalada Jowhar.

Degmada Mahadaay ayaa waxaa hoostaga in ka badan 40-tuulo oo dhammaantood aan lahayn goobo caafimaad oo ka jawaabi kara adeegyada kala duwan ee caafimaadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo kala saxiixday Heshiis Dekadaha iyo Gaadiidka ah

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay...

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

Muqdisho, Feberaayo 19, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Siyaasadda Madaxda Qaranka ay ku wajaheen dagaalka Khawaarijta

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in siyaasadda iyo diblomaasiyadda...