Dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda oo kala saxiixday heshiis dhanka hawada

Date:

Dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda ayaa kala saxiixday heshiis la isu furayo hawada labada dal si loo sahlo ganacsiga labada dal.

Heshiiska labada Wasiir

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa Soomaaliya u saxiixay heshiiska  halka dowladda Rwanda uu u saxiixay Wasiirka Kaabayaasha Claver Gatete.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdulaahi Salad ayaa aad u soo dhoweeyay horumarka uu gaaray dalka, isagoo ku tilmaamay in heshiiskan uu xoojin doono ganacsiga labada dal.

“Waxaan maanta la soo saxiixannay dowladda Rwanda heshiis labageesood ah oo xagga duulimaadka rayidka. Heshiiskan waxuu isu furayaa duulimaadyada tooska ah ee labada dal, taas oo ganacsiga labada waddan kor u qaadi doonto. Aniga iyo Wasiir Claver Gatete waxaa ina wehliya Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin iyo dhiggiisa Mr. Silas Udahem” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiirka Kaabayaasha dalka Rwanda Gatete ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay kii boqolaad oo ay dalal caalamka ka tirsan la saxiixatay dowlada Rwanda, uuna rajeynayo in albaabo ganacsi oo cusub u furo labada dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa gaareyso  horumar dhinaca xiriirka dalalka caalamka ee dhinaca Isgaarsiinta Hawada, iyadoo diyaarado laga leeyahay wadamada Kenya, Jabuti, Turkey, Qadar, Uganda iyo Ethiopia ay duulimaadyo ku yimaadaan garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...