Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shirka Midowga Baarlamaanada Carabta uga qeyb galaya Jordan

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo shalay gaaray magaaladda Amman ee Caasimadda Dalka Jordan uga qeyb galaya shirka 30-aad ee Midowga Baarlamaanada Carabta.

Shirka Midowga Baarlamaanada Carabta ayaa looga hadlayaa heshiiska qarniga ee uu dhawaan ansaxiyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Wafdiga oo shalay gaaray dalka Jordan waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Jordan oo uu ka mid yahay  Guddoomiye kuxigeenka 1-aad Baarlamaanka ee Dalka Jordan Ibrahim Al-Qur’an.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa la filayaa inay kulamo la qaataan Madaxda dalkaasi oo ay kaga hadlayaan xoojhinta xiriirka labada dal.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...