Wasiir Arrimaha dibadda Turkiga “Weerarkkii argagixiso ee Soomaaliya ka dhacay wuxuu mar kale muujinayaa wajiga foosha xun ee argagixisada,”

Date:

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in weerarkii argagixiso ee shalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose uu muujinayo wajiga foosha xun ee argagixisada.

Wasiirka arrimaha dibada Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa sheegay in marnaba ka joojin doonin la dagaalanka argagixisada weerarada bahalnimada ay geysanayaan.

“Weerarkkii argagixiso ee Soomaaliya ka dhacay waxa uu mar kale muujinayaa wajiga foosha xun ee argagixisada,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibada Turkiga.

Sidoo kale, Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” Weerarada bahalnimo marnaba nagama joojin doonaan la dagaallanka argagixisada, Waan garab taagnaan doonnaa walaaleheenna Soomaaliya”.

Ugu dambeyntii, Walaalaha dhaawacmay ayuu u rajeeyay dhaqso in ay bogsoodaan,isla markaan ay si dhow ula socon doonaan xaaladooda caafimaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay madax iyo siyaasiin heer qaran ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo Guddi Xildhibaano ah magacaabay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...