Ciidamada Xoogga Dalka oo muujiyay kaalinta kaga aadan baajinta dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday Galgaduud

Date:

Ciidamo ka tirsan qeybta 21-aad ee XDS kuna hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa ku guuleystay baajinta dagaallo kale oo ka dhaca galbeedka gobolka Galgaduud, halkaasoo ay ku dagaallameen maleeshiyo beeleedyo walaalo ah oo isku deegaan ah.

Ciidamadaasi oo dhowaan gaaray halkaas ayaa haatan ku kala dhexjira maleeshiyo beeleedyadaasi oo maalmo ka hor ku dagaallamay deegaanno ka tirsan galbeedka gobolka Galgaduud.

C/kariin Axmed Bulxan oo warbaahinta Qaranka uga soo warama degmada Cabuudwaaq ayaa soo sheegaya in ciidamadu ay ku guuleeysteen baajinta dagaal kale oo dhexmara malleeshiyaadkaasi, wuxuuna intaasi raaciyay in ciidamadu ay kala dhexgaleen islamarkaana kala durjiyeen labadii dhinac ee colaaddu dhexmartay.

Bulshada ku dhaqan deegaannada ay colaaddu ka dhacday ayaa ciidamada XDS ka dalbaday in ay xaqiijiyaan dhameynta colaaddaasi, iyagoo ammaanay kala dhexgalka labadaasi dhinac.

Ciidamada XDS ayaa hore u kala dhexgalay una baajiyay colaad hore u dhexmartay beelo walaalo ah oo wada dega bariga magaalada Gaalkacyo, taasoo ay aad u soo dhaweeyeen dadka deegaanka.

Dagaallada noocan ah ayaa dhibaatada ugu badani waxey inta badan ka soo gaartaa dadka rayidka ah ee aan iyagu qeybta ka aheyn colaaddaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya 60 sano oo saaxiibtinimo iyo iskaashi ah”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga oo ka qeyb galay munaasabadda aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga  

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, Amb....

Wasiirka Caddaaladda oo furay wadatashi ku saabsan Xeerarka Taxkiimka iyo Caddeymaha.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee JFS, Mudane Xasan...

Soomaaliya iyo Jarmalka oo lala saxiixday heshiis horumarineed oo la gaaraya €75 Milyan   

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka ayaa magaalada...