Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo bogaadiyay waxqabadka Taliska ciidanka Asluubta

Date:

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyab galay xaflad lagu soo bandhigayay waxqabadka 100-la malmood ee Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Xafladda ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanno kirsan Labada Gole ee Dowladda, Wasiiro, Taliyeyaasha Maxkamadaha ciidamada qalabka sida, Maamulka Gobolka Banaadir, ururada bulshada rayidka iyo xubno kale oo munaasabadda lagu casuumay, iyadoo fanaaniinta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay madasha ku soo bandhigeen sugaan ka turjumeysa waxqabadka taliyaha.

Munaasabadda ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxqabadka taliyaha oo ay ka midtahay dib u dhis iyo qalabeyn lagu sameeyay xafiisayda saraakiisha, kaasi oo lagu hirgeliyay barnaamijka Isxilqaan ee lagu dhisayo xarumaha danta Guud ee dalka, horumarinta maxaabiista iyo daryeelkooda.

Xildhibaan Ibraahim Isxaaq Yarrow iyo Xildhibaan Cabdicasiis dhagaqool oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa si wada jir u bogaadiyay waxqabadka muuqda ee Taliyaha ciidanka Asluubta, loona baahanyahay in mas’uul kasta uu kaalintiisa ka qaato dib u dhiska dalka.

Taliyaha ciidanka Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in howshan maanta la soo bandhigay ay gacan ku siiyeen saraakiisha ciidanka Asluubta oo farsamooyin badan yaqaano, ayna sii xoojin doonaan dadaallada lagu horumarinayo ciidanka Asluubta.

Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in xarumo kale oo ay leeyihiin ciidanka Asluubta lagu dhisi doono barnaamijka Isxilqaan, isagoo Taliyaha Asluubta ku booriyay in uu sii labo jibaaro dadaalka uu ugu jiro dib u dhiska xarumihii ay lahaayeen ciidanka Asluubta.

            

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...