Ciidamada Amniga Oo Howlgallo Ka Fuliyay Degmada Boondheere

Date:

Ciidamo ka Tirsan Booliska Soomaaliya ayaa  xalay howlgal dad badan lagu qab qabtay ka sameeyay Xaafado ka tirsan degmada Boondheere ee Gobolkan Banaadir.

Ciidamada oo watay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa ay howlgalka ka sameeyeen Xaafadaha ay ka koobantahy Degmada Boondheere

Waxana ciidamada ayaa howlgaladaasi  ku soo qab qabteen Dhallinyaro aad u fara badan òo lagu Tuhunsanyahay in Fallal amni daro ay ka wadeen Dagmadaas,waxaana ciidamadu ay sii dayeen qaar kamid ah dhallinyarada markii waxa Danbi ah lagu waayay iyagoona ciidamada ay  ka xeysteen Tiro kamid ah dhilinyaradii ay Howlgalka ku soo qabteen.

Laamaha amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin  waxyaabaha ay howlgalkaas kusoo qabteen, hayeeshee todobaadkii la soo dhaafay ayaa Ciidamada Dowladda waxaa ay howlgallo ka fulliyeen degmooyinka, Warta-Nabadda, Waaberi, Xamar Jajab, Xamarweyne, iyada oo xalay laga fuliyey degmada Boondheere ee Gobolkan Banaadir

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...