Xaraynta xubnaha soo xulaya Baarlamanka Galmudug oo Dhuusamareeb ka billaabatay

Date:

Waxaa Saacadihii  lasoo dhaafay ka billowday Magaalada Dhuusamareeb xaraynta Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xubnaha Baarlamaanka Galmudug, si loo dhiso maamul loo dhan yahay.

Munaasabad lagu Daah-furayay xaraynta Odayaasha oo xalay lagu qabtay Dhuusamareeb ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye iyo madax kale.

Guddiga farsamada maamul u samaynta Galmudug ayaa soo saaray hab-raaca doorashada, waxaana la xaqiijiyay Odayaasha dhaqanka ee ah Saxiixayaasha ka ah dhismaha maamulka loo dhan yahay oo ay yeelato Galmudug.

Hannaanka dhismaha Galmudug loo dhan yahay ayaa haatan maraya meel gabo-gaba ah, waxana door weyn ku leh dar-dar gelinta howlaha maamulka Guddiga farsamada iyo Wasaarada arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

    

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...