Soomaaliya oo qorsheyneysa in ay Qunsuliyado ka furato qaar ka mid ah Magaalooyinka Mareykanka

Date:

Dowladda Soomaaliya oo  qorsheyneysa in ay qunsulyaddo ka furato qaar ka mid ah magaalooyinka Mareykanka,

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Washinton  Cali Shariif oo ka hadlay xaflad ka dhacday gobolka Minnesota ayaa tilmaamay in qorshahaas uu u gudbiyey madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.

“Waxay kaloo safaaradda ay ku talajirtaa, talana aan ku siinay madaxdeena,  in magaalooyinka ay ku badanyihiin Soomaalida laga furo Qunsiliyado si adeegga ay uga baahanyihiin Washinton uga haleen halkooda.” Ayuu yiri Danjire Cali Shariif.

Soomaalida oo kamid ah dadyowga qaxooti ahaan ku galay  Mareykanka ayaa waxay safka hore kaga jiraan Jaaliyadaha ugu tiradda badan ee ku nool dalkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii September, ee sanadkan 2019, ku guuleysatay in ay iibiso dhismaha safaaradda ee  Washington.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...