QM: Nus Malyuun Qof ayaa ku waxyeellowday fatahaadaha ka dhacay Soomaaliya.

Date:

Warbixin uu Shalayto oo Jimca ahayd soo saaray Xafiiska xiriirka howlaha Bini’aaddam-nimada QM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay 574,000 Qof wax yeello kasoo gaadhay fatahaadihii dhowaan ka ku dhuftay qeybo ka mid ah Dalka, halka 370,000 kalena ay ku barakaceen.

Fatahaadihii dhacay Bil ka hor oo ahaa kuwo ka baxsan xaddigii la filayay ayay sheegtay hay’addu in ay gaab yara gelisay in badan oo ka mid ah howlihii samafalka ee ay ka wadeen goobahaasi.

Xafiiska xiriirka howlaha Bini’aadam-nimada Qaramada midoobay ee OCHA, ayaa intaa raaciyay in Dadka ay saamaynta ku yeesheen ay markii horaba la daalaa dhacayeen Abaaro iyo wax soo saarkii dalagyada ay oo ka hooseeyay 70%.

Waxaa haatan soo kabanaya Dadkii ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadkii ka dhacay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya, iyadoo ay samata bixinta Dadkii ay waxyeelladu soo gaadhay ay Gacan weyn ka geysatay Dowladda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulanka kooxda farsamada ee xargaha Badda hoosteeda mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray bandhigyada ay Hobollada Waabari u diyaarinayaan maalmaha Xorriyadda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax...

Guddoonka Labada Aqal ee BFS oo kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Ciidanka Booliiska oo wada Hawlgallo Lagu Ciribtirayo Anshax-xumada iyo Falalka Lidka ku ah Dhaqanka

Ciidanka Booliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Degmada Garasbaaley, ayaa...