QM: Nus Malyuun Qof ayaa ku waxyeellowday fatahaadaha ka dhacay Soomaaliya.

Date:

Warbixin uu Shalayto oo Jimca ahayd soo saaray Xafiiska xiriirka howlaha Bini’aaddam-nimada QM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay 574,000 Qof wax yeello kasoo gaadhay fatahaadihii dhowaan ka ku dhuftay qeybo ka mid ah Dalka, halka 370,000 kalena ay ku barakaceen.

Fatahaadihii dhacay Bil ka hor oo ahaa kuwo ka baxsan xaddigii la filayay ayay sheegtay hay’addu in ay gaab yara gelisay in badan oo ka mid ah howlihii samafalka ee ay ka wadeen goobahaasi.

Xafiiska xiriirka howlaha Bini’aadam-nimada Qaramada midoobay ee OCHA, ayaa intaa raaciyay in Dadka ay saamaynta ku yeesheen ay markii horaba la daalaa dhacayeen Abaaro iyo wax soo saarkii dalagyada ay oo ka hooseeyay 70%.

Waxaa haatan soo kabanaya Dadkii ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadkii ka dhacay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya, iyadoo ay samata bixinta Dadkii ay waxyeelladu soo gaadhay ay Gacan weyn ka geysatay Dowladda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...