Mama Xaawo Aden oo ah oo ku guuleysatay abaal-marin caalami ah.

Date:

Madaxa xarunta Waxbarashada, Nabadda iyo Horumarinta Gaalkacyo ee (GECPD), Mama Xaawo Aden Maxamed ayaa ku guuleysatay biladda caalamiga ah ee Baraha sannadka 2019ka oo uu bixiyo telefishinka afka Ingiriiska ku baxa ee laga leeyahay dalka Turkiga ee TRT World Citizen.
Waxay ay ku mutaysatay 20 sanno in ka badan oo ay ka shaqeynaysay waxbarista Gabadha Soomaaliyeed, Dadka laga tirada badanyahay, iyo Barakacayaasha.Mama Xaawo , ayaa markii lagu dhawaaqay inay ku guuleysatay biladda caalamiga ah waxay sheegtay inay aad ugu faraxsantahay isla markaana ay la qeyb sanayso dadka la shaqeeya.

Waxaa ay horey ugu guuleysatay bilada Nansen, ee ay bixiso hayadda Qaramada Midoobay ee qaxootiga UNHCR iyo biladdo kale oo ay ku heshay shaqooyinka badan ee ay u qabatay bulshada. Biladda Nansen Refugee Award ayaa ah biladaha ugu muhiimsan ee ay bixiso  Qaramada Midoobay.

Mama Xaawo Aden oo aasaastay xarunta Waxbarashada, Nabadda iyo Horumarinta Gaalkacyo ee (GECPD) ayaa ilaa sannadkii 1995 waxay ka shaqaynaysay waxbarashada gabdhaha, daryeelka gabdhaha loo geystay gacan hadalka iyo gudniinka fircooniga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...