Madaxweyne Farmaajo oo tacsi u diray Raiisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Xukuumaddii Ku-meelgaarka aheyd Mudane Cali Maxamed Geeddi uga tacsiyeeyey geeridii ku timid Alle ha u naxariistee hooyo Kutubeey Maxamuud Barroow.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu u rajeyey walaalkiis Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo dhammaan qoyska ay ka baxday marxuumaddu in uu Alle ka siiyo samir iyo iimaan, iyadana hooygeeda ka yeello Janatul Firdoows.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun, Waxaa na soo gaaray warka murugada leh ee ku saabsan geerida ku timid Alle ha u naxariistee, hooyo Kutubeey Maxamuud Barroow, Waxaan si guud murugada ula qeybsanayaa qoyskii iyo ehelkii ay ka baxday, gaar ahaan walaalkeey Raiisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi.”

Madaxweynaha ayaa marxuumadda Alle u weydiiyey dambi dhaaf iyo in uu qabrigeeda uga dhigo beer janno, aakhirana kala yeelo safka shuhadada iyo addoomada Alle ee suubban.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud...

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...