Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo shir uga furmay dalka Turkiga

Date:

Shir wadajir ah oo ku saabsan dib-u-eegista Dastuurka ayaa uga furmay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Lasocdka dib- u- eegista Dastuurka, Guddiga Madaxabannaan iyo Guddiyada Dastuurka Baarlamaanada dowlad goboleedyada ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa maanta magaalada Istanbul uga furmay shir toban maalin socon doona laga bilaabo 27 Octoobar 2019 ilaa 5ta Nofeebar 2019, wuxuuna ku saabsan yahay dib-u-eegista 15ka Cutub Dastuurka ee la soo dhameeyay.

Ugu horayn, waxaa shirka ku soo dhaweeyay dhamaan ka qaybgalayaasha, islamarkaana sharaxay ujeedooyinka shirka gudoomiyaha Gudigga la-socodka ee Dib-u-eegista Dastuurka ee labada gole Mudane Cabdi Qaybdiid.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa hogaaminaya wafdiga dowladda ee dib-u-eegista Dastuurka.gabagabadii shirkaan ayaa muhiimad ugu fadhiyo dib-u-eegista dastuurka gaar ahaan 15 ka cusub ee soo dhamaaday, taasoo la doonayo in mudadan tobanka cisho lagu turxaan bixiyo wixii sixitaan yar yar u baahan ee ku saabsan dhanka farsamada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...

Madaxweynaha JFS oo kulan wada-tashi ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...