wasiirka difaaca dalka oo soo dhaweeyay Wafdi ka socda Qaramada Midoobay.

Date:

Wwasiirka gaashaandhiga iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ,ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi ay hoggaaminayso Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan caruurta iyo isku dhacyada hubaysan Virginia Gamba.

Mudane Xasan Cali Maxamed (Amardambe) Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo soo dhoweynta wafdigaasi ka dib la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faah faahin ka bixyay ujeedka imaatinka wafdigan iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Inta uu joogo wafdigan waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay kala hadli doonaan howlaha ay u yimaadeen Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...