Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka tacsiyeeyay dilka guddoomiye ku xigeenkii Amniga Shabeellada Dhexe oo xalay la dilay.

Date:

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu yiri:- Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare, oo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda iyo kan Shacbiga Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Allaha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii amniga Gobolka Sh.Dhexe marxuum Muxumad Sugaal Cismaan iyo wiil uu dhalay oo Caawa ugu geeriyooday Jowhar Bam gacmeed kooxaha Nabad diidka ay ku weerareen Gurigiisa.
Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan shacabka Hirshabelle, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Guddoomiye ku xigeenka Amniga Sh.dhexe marxuum Muxumed Sugaal, waxaana eebe uu uga baryay in janatul fardowsa uu ku galado.
Madaxweyne Waare ayaa tilmaamay In Marxuumka  uu ahaa xubin muhiim ah oo ka baxday Dawladda  iyo shacabka Hirshabelle islamarkaana uu hayay shaqo adag oo muhiim u ah nidaamka Dawliga ah, iyo Xaqiijinta Amniga.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa faray hey’adaha Ammaanka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u sameeyaan baaritaan dhab ah oo la xiriira weerarkaasi fulaynimada ah ee lagu dilay marxuum Muxumed Sugaal sharcigana la soo taago dhagar qabayaashii ka dambeeyay.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa guud ahaan Shacbiga Hirshabelle kula dar daarmay in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah meelna uga soo wada jeestaan cadowga Umadda Soomaaliyeed ee argagaxisada Al Shabaab islamarkaana ay la shaqeeyaan Hey’adaha ammaanka sidoo kalena ay iska hubiyaan cid kasta oo ku soo dhex dhuumaneysa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...