Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka tacsiyeeyay dilka guddoomiye ku xigeenkii Amniga Shabeellada Dhexe oo xalay la dilay.

Date:

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu yiri:- Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare, oo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda iyo kan Shacbiga Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Allaha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii amniga Gobolka Sh.Dhexe marxuum Muxumad Sugaal Cismaan iyo wiil uu dhalay oo Caawa ugu geeriyooday Jowhar Bam gacmeed kooxaha Nabad diidka ay ku weerareen Gurigiisa.
Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan shacabka Hirshabelle, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Guddoomiye ku xigeenka Amniga Sh.dhexe marxuum Muxumed Sugaal, waxaana eebe uu uga baryay in janatul fardowsa uu ku galado.
Madaxweyne Waare ayaa tilmaamay In Marxuumka  uu ahaa xubin muhiim ah oo ka baxday Dawladda  iyo shacabka Hirshabelle islamarkaana uu hayay shaqo adag oo muhiim u ah nidaamka Dawliga ah, iyo Xaqiijinta Amniga.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa faray hey’adaha Ammaanka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u sameeyaan baaritaan dhab ah oo la xiriira weerarkaasi fulaynimada ah ee lagu dilay marxuum Muxumed Sugaal sharcigana la soo taago dhagar qabayaashii ka dambeeyay.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa guud ahaan Shacbiga Hirshabelle kula dar daarmay in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah meelna uga soo wada jeestaan cadowga Umadda Soomaaliyeed ee argagaxisada Al Shabaab islamarkaana ay la shaqeeyaan Hey’adaha ammaanka sidoo kalena ay iska hubiyaan cid kasta oo ku soo dhex dhuumaneysa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...