Shirka Maamulada gobolada iyo degmooyinka K/galbeed oo lagu soo gabagabeeyey Magaalda Beydhabo

Date:

Shirkan oo muddo todobaad ah ka socdey magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa waxaa loo qabtey  Mas’uuliyiinta maamulada gobalada iyo degmooyinka koonfur galbeed Soomaaliya, iyadoo ay soo qaban-qaabisey Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta koofurglabeed.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo kamid ahaa masuuliyinta shirka ka qeybgaleysay ayaa warbaahinta Qaranka  u Sheegey in shirkan u ahaa mid looga hadlayey horumarinta adeega Dowliga iyo baahinta adeegyada Dowladda, sidoo kale, wuxuu intaa ku darey in sigaar ah diirada loogu saarey sidii cadowga Al-Shabaab looga xoreyn lahaa gobolada Maamulka koofurgalbeed

Gudoomiye Ibraahin aadan Cali Najax ayaa sidoo kale waxa uu Sheegey in  Shirkan  aad muhiim ugu ahaa shacabka Koonfur Galbeed una horseedi doona amni, horumar iyo nabad kuwada noolaansho.

Deegaanada Koonfur galbeed ayaa inta badan laga saaray Ururka Al-Shabaab,waxayna shacabka ku naaloonayaan nabad iyo Barwaaqo iyagoo garbaha ay ka taagan yihiin Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

    

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...