Dowladda Soomaaliya oo u yeertay safiirka Kenya

Date:

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka dowladda Kenya u jooga dalkeena.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamig ah ayaa maanta oo Khamiis ah u yeertay Safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Lucas Tumbo.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Axmed Kheyr Cabdi oo safiirka kula kulmay xarunta wasaaradda, ikaraddaas oo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo iyadoo aan oggolaansho ka haysan dowladda Soomaaliya

Soomaaliya si xooggan ayay uga cabaneysaa xad-gudubkaas, marnana ma oggolaaneyso in lagu xadgudbyo xudduudeheeda cirka, badda iyo berrigaba, waxa ayna ugu baaqeysaa in Kenya oo ciiddammadeeda jooga Jubbada hoose ay qeyb ka yihiin ciidammada nabad ilaalinta AMISOM ay jawaab ka bixiso xad-gudubkaas ay u geysatay hawada Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa in ficilkaasi yahay mid ka hor imaanaya mabaadi’da guud ee daris wanaagga iyo in aan la fara gelin arrimaha gudaha ee dowladaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay Dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo magacaabay Golaha Wasiirrada maamulkaas

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...