Haweenka Gobollada dhexe oo Xusul-duub ugu jira sidii ay uheli lahaayeen Qoondada Haweenka Galmudug+Sawirro

Date:

Doorka Dumarka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin siyaasadda iyo arrimaha kala duwan ee Bulshada ayaa diiradda lagu saaray shirar maalmahaan usocday Haweenka kunool degaannada Galmudug, si ay xubno ugu helaan dib u yagleelidda maamulkaasi.

Haweenka ayaa bogaadiyay qeybta ay ka heleen maamulladii hore, balse haatan waxay Xusul duub ugu jiraan sidii loogu sii kordhin lahaa Kuraasta ay ku leeyihii maamulka Galmudug, codkooduna ay sare ugu sii qaadi lahaayeen.

Maymuun Cali Nuur , Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka mudug ee Galmudug ayaa sheegtay in ay kuhawlan yihiin xaqiijinta kaalintii ay Haweenku kulahaayeen siyaasadda.,waxanay intaa ku dartay in kulamadii ay yeesheen Haweenka Gobollada dhexe lagu soo bandhigay wax tarka Gabdhaha, iyagoo samaytay guddiyo u gaar ah, si iyaga oo mideysan ay u raadsadaan xuquuqdood.

Xaawo Qaran oo kamid ah Haweenka dedaalka ugu jira xuquuqda Haweenka ee dhanka siyaasadda ayaa ugu baaqday wasaaradda arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka iyo Odayaasha dhaqankuba in ay ka qeyb geliyaan dhismaha maamulka cusub ee loo dhan yahay, si ay Bulshada uga dhex muuqdaan.

Luul Xaashi, ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegtay in Haweenku ay tartamada adag geli karaan haddii fursad lasiiyo , wax bandanna ay ka qaban karaan wax ka beddelka xaaladda Dalka.

Waxanay Culimaa’udiinka iyo wax garadka u sheegtay in wax qabadka Haweenku uu ka mudan yahay kan Ragga, isla maraana uu yahay mid lagu kalsoon yahay, iyagoo xustay in ay Dumarku lafdhabar u yihiin nolosha Aadanaha, kaalin mug lehna kasoo qaadatay samata bixinta Ummadda Soomaaliyeed xilliyadii adkaa ee lasoo maray.

Sida ku cad Cahdiga Qaranka Haweenku waxay leeyihiin Boqolkiiba Soddon qoondada guud, haddana ma ahan kuwo helay Kuraastii ay ku lahaayeen Siyaasadda maamul Goboleedyada iyo guud ahaanba Dalka Soomaaliya.

W/D Maxamed Siciid Soomaali

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...