Wafuudii ka qayb-gashay shirkii iskaashiga oo casho loo sameeyay.

Date:

Wasaaradda arrimaha dibadda XFS ayaa xalay casho sharaf ugu sameysay magaalada Muqdisho qaar ka mid ah ergooyinkii ka qayb galay shirkii labada maalin ka socday magaalada Muqdisho ee madasha iskaashiga Soomaaliya iyo deeq bixiyaasha caalamka.

Kulankaan cashada ah oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb galay xubno badan oo u badnaa diplumaasiyiinta caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho waxaana loogaga mahad celiyay garab istaagooda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha dibadda XFS Ambassador Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ujeedka cashadu ahaa in dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya loo muujiyo sida Soomaaliya u tahay dad ku wanaagsan soo dhaweynta iyo ixtiraamka.

“Waxaa Soomaaliya laga aaminsan yahay meel dhib badan ka jiro dad aan wanaagsaneyn laakiin sidaas inaysan ahayn ayaan tuseynay dalalka aan saaxiibka nahay waxaana u sheegeynay in dadka Soomaaliyeed yihiin dad aad u wanaagsan oo ku wacan soo dhaweynta iyo ixtiraamka”ayuu yiri wasiir Cawad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Waxaa si rasmi ah u furmay Tartanka Sanadlaha Heer...

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Muxudiin Yuusuf...

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...