Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir hawlo shaqo Ujooga Garooweย ayaa Booqday Taliska Ciidamada Asluubta Puntland Iyo Xabsiga wayn ee Garowe, Waxaanaย uu ukuurgalay xaalada Maxaabiista Xabsiga kujira’ isagoo warbixino kadhegaystayย Saraakiisha Ciidamadaย Asluubta Waxaana loo Sheegay inay xabsiga udhamaystiranyihiin baahiyaha asaasiga ahiย Maxaabiistana labaro aqoonta maadiga ah, mida diiniga ah iyo weliba Xirdaha Farsamada Gacanta.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa booqday 26Maxaabuus oo kuxukuman falal burcad badeednimoย kuwaas oo dawlada soomaaliya ay kasoo wareejisay wadanka siishelis (Seychelles)si ay xukunkooda Dalka ugu dhamaystaan, Waxaana ay ka dalbadeen in dowladu kashaqayso sidii ay markale xoriyadooda dibย ugu heli lahaayeen.
Qaybo kamida Maxaabiista oo kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya ayaa Codsaday in loo wareejiyo Xabsiga Wayn ee Xamar si ay eheladoodu usoo booqdaan, Dowladda ayaanaย kudedaalaysa sidii ay dib xoriyadooda uheli lahaayeen iyadoon lagu xadgudbayn Shuruucda caalamiga ah ee laxiriirta Eedaysanayaasha lagu xukumay Arimaha burcad badeednimada.
Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa maxaabiista usheegay in sida ugu dhaqsaha badan cidii baxaysa loogu wareejinayo xabsiga muqdisho ayna kashaqaynayaan sidii ay markale xoriyadooda uheli lahaayeen.