Madaxweynaha JFS oo soo bandhigay qorshayaasha & tallaabooyinka hortabinta leh ee ay ku tallaabsadeen shacabka iyo DFS

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirweynaha Qaramada Midoobey ayaa ka warbixiyey xaaladda siyaasadda, dhaqan dhaqaale iyo amni ee dalka.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay qorshayaasha iyo tallaabooyinka hortabinta leh ee ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, kuwaas oo xoojiyey midnimada, wadajirka iyo yididiillada shacabkeenna.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay hoggaamiyeyaasha caalamka aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan daris wanaagga, ixtiraamka shuruucda iyo mabaadi’da caalamiga ah, waxa uuna tilmaamay in xiriir ku saleysan iskaashi, is-ixtiraam iyo dheef wadaag ay Soomaaliya la doonayso in ay yeeshaan dalalka Gobolku.

“Soomaaliya maadaama ay tahay xubin ka tirsan Qaramada Midoobay ayna qayb ka tahay una hoggaansan tahay Sharciga Maxkamadda Caalamiga ah, waxa ka go’an inay ka dhur sugto dhammaadka hannaanka xalka garsoorka.”

Dhanka siyaasadda, Madaxweynaha ayaa sheegay in wadahadallada heer Qaran hadda diiradda lagu saaro xaqiijinta siyaasad loo dhan yahay, tayeynta adeegyada dowladda, dib u habaynta maaliyadeed iyo dhaqaale, kobcinta dhaqaalaha, dowlad wanaagga iyo sare u qaadidda iskaashiga heer gobol.

Dhanka Amniga, Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay dowladnimada Soomaaliya u leedahay dhisidda ciidan qalabaysan iyo hay’ado ammaan oo udub-dhexaad ay u tahay ilaalinta xuquuqda banii’aadamka.

“Sinnaba uma sahlanayn dib u habaynta ballaaran ee aan wadno, balse dadaal iyo ka gonaansho ka dib, waxaan hadda diiwaangelinney dhammaan Ciidanka Qalabka Sida, waxaan sidoo kale dhawaan soo gebagebaynaynaa baaris lagu wado guud ahaan hay’adaha amniga dalka”.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey beesha caalamka, dalalka walaalka iyo saaxiibka nala ah sida ay mar walba u garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

Xildhibaanada Soomaaliya ee ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya ee Urur...

Hodan iyo Gubadley oo ku soo baxay Tartanka kama dambeysta ee ka baxa Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Hodan ayaa u soo baxay wareegga kama...