R/W Xasan Cali Khayre: Waan isu Keenay Odayaasha Dhaqanka Xeraale Iyo Huurshe Daawo ‘Sawirro’

Date:

Muqdisho (SNTV) R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Odayaal iyo wax-garad ka socda degaannada Huurshe iyo Xeraale oo muda Saddax Sano ah ay u dhexeysay colaad uu Dhiig badan ku daatay.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen xildhibaannada degaannadaas ku matala Dowladda dhexe, ayaa qeyb ka ahaa dhammeystirka dadaallo uu R/wasaaruhu soo billaabay dhammaadkii bishii June ee Sannadkan mar uu safar shaqo tagay Huurshe iyo Xeraale.

Xasan Cali Khayre ayaa xilligaasi Labada dhinac kala hadlay soo Af-jaridda codaalla iyo furidda bog cusub oo ah mid nabadeed.

Odayaasha Labada dhinac ayaa R/wasaaraha uga mahad celiyay dedaalka hagar la’aaneed ee uu Galmudug ka wado, waxayna ballan qaadeen in ay ka shaqeynayaan nabadda, wada noolaanshaha, horumarinta degaanka iyo Bulsha ,si loo helo mustaqbal wanaagsan oo ka Madax bannaan colaado iyo rabshado dib u sii dhiga horumarka ay ummaadda Soomaaliyeed hiigsaneyso.

Ra’iisul Wasaarah ayaa Odayaasha Huurshe iyo Xeraale u ballanqaaday in Dowladda Soomaaliya ay ku Garab taagan tahay ka mira dhalinta dedaallada nabadda iyo horumarka, iyaguna laga doonayo in ay dowrkooda nabad-doonnimo qaataan oo ay daacad ka noqdaan dhismaha Mustaqbalka Dadka iyo Deegaanka, wixii horay u dhacayna laga barto casharro qeyb ka qaadanaya wadajirka iyo is-dhex galka Bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...

UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii...