Wasaarada Amniga Hirshabeelle oo Sheegtay in la diyaariyey ciidamadii ka howlgali lahaa degmooyinka cadowga laga xoreeynayo

Date:

Munaasabad tababar loogu soo xireyey Ciidamo  gaaraya laba boqol oo Askari oo qeyb ah Booliska gaarka ah ee Dawlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta ka dhacday Magaaladda Jowhar, waxaana kasoo qeyb galay  Madaxweynaha Maamulka Mudane  Maxamed Cabdi Waare iyo Taliyeyaasha Ciidamada Hirshabeelle, saraakiil ka socota Booliska Federaalka, Amisom Boliis, UN iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Hirshabeelle  Mudane C/qaadir Aadan Jeelle oo wareysi gaar ah siiyey Warbaahinta Qaranka waxa u sheegey in Ciidanka maanta tababarka loo soo xeray ay yihiin  Dufcadii labaad ee Ciidanka gaarka ah ee Booliska Hirshabeelle.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegey in Dawlad Goboleedka Hirshabeelle ay suurta gashay inuu yeeshaan Ciidamo si gaar ah u tababaran, kuwaasi oo qeyb ka qaadan doono howllgalada Iyo Xaqiijinta Amniga Deegaanada HIrshabeelle.

Wasiirka C/qaadir jeelle ayaa sheegey iney dufacadaan tii ka horeysey ay ka qeyb qaateen isku-furka wadada xiriirisa Muqdisho iyo jowhar, iyaddoo dufacadaan ay ugu tala galeeen xoreynta degmooyinka Argagixisada Alshabaab ay ku dhuumaaleysanyaan iyo siddii ay  u xaqiijin lahaayeen amnigooda.

Ugu Dambeyn Wasiir jeelle ayaa sheegey in dhawaan ay bilaaaban doonaan howllgalo looga xoreynayo Kooxda Alshabaab ee Baxsadka ah guud ahaan deeganada ay kaga dhuumaaleysanayaan dowlad goboleedka Hirshabeelle, isaggoo Qeybaha Shacabka ugu baaqey iney garab istagaan Ciidamadooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo guddoomiyay shir muhiim ah

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud...

Guddoomiyaha golaha shacabka iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Shirka wasiiradda Maaliyadda dalalka afrika oo lagu soo gaba-gabeeyey Afrikada dhexe

Waxaa Magaalada Bangui ee caasimadda dalka Afrikada Dhexe lagu...

NISA oo hawlgal qorshaysan ku dishay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo...