Madaxweynaha K/Galbeed oo guddoomiyay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka koonfur galbeed

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koofur galbeed Soomaaliya, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen), ayaa Maanta shir guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee ay Khamiis walba yeeshaan golaha Wasiirrada ee maamulkaasi.

Kulanka oo looga hadlay arimaha ammaanka dhaqaalaha, shaqalaysiinta Bulshada Reer Koonfur Galbeed iyo qodobbo kale, ayaa waxaa warbixinno looga dhagaystay qaar ka mid ah Wasiirrada, waxanay sheegeen in ay howluhu u socdaan sidii loogu tala galay.

Isaaq Cali Subag, Wasiirka amniga Dowlad Goboleedka koonfur galbeed, ayaa laga dhegeystay warbixin ku Saabsan nabad gelyada guud ee degaannada KGS, wuxuuna sheegey in Todobaadkii lasoo dhaafay aan wax qalalaasa ah ka dhicin Gobollada Baay Bakool iyo Shabeellada hoose.

Shirka ayaa sido kale waxaa looga hadlayxXoojinta wada shaqaynta Wasaaradaha maamulkaasi iyo sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha KG loona kobcin lahaa, si wax loogu qabto Shacabka ku dhaqan koofur galbeed.Soomaaliya.

Golaha Wasiirrada ayaa sido kale Shacabka ugu baaqay in ay isku howlaan sidii wada shaqayn dhow ay ula yeelan lahayeen laamaha amniga, si looga hortago dhibaatada Argigixisada ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Daraawiishta Galmudug oo weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaatijta

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...