Madaxweyne Farmaajo oo u magacaabay Cumar Filish Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u magacaabay Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka in uu sii dhammeystiro qorshayaashii horumarineed iyo waxqabadkii muuqday ee Guddoomiyihii hore, Alle ha u naxariistee, Shahiid Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow).

“Anigoo xeerinaya baahida loo qabo in guddoomiye uu yeesho Maamulka Gobolka Banaadir, si loo sii amba qaado qorsheyaashii horumarineed ee socday, sidoo kalena tixgelinaya soo jeedinta kala duwan iyo waayo-aragnimada uu Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu u leeyahay gudashada waajibadka xilkan ayaan ugu magacaabay.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeego bulshadeenna.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha ee maanta oo ay taariikhduna ku beegan tahay Khamiis, 22-ka Ogoosto, 2019.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Alcadaala oo qaabilay lataliye sare oo ka socda safaaradda Mareykanka

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda...

Wasiirka maaliyadda oo kulan la yeeshay madaxda ururka Bangiyada dalka

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi imaan Cige...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Wasiirka Beeraha XFS oo kulan la qaatay Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Xil. Maxamed...