Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Hambalyeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Oo Guullo Ka soo Hooyay Gobalka Sh/Hoose

Date:

Muqdisho (SNTV) Gen. Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo goor dhow la hadlay warbaahinta qaranka ayaa Hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidamada geesiyaasha ah ee Xoogga dalka kuwaasi oo shalay duruus dagaal u dhigay maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ka dib weerar ay ku qaadeen saldhig ciidanku ku leeyihiin degmada Aw-dheegle ee Gobolka shabeelada hoose.

Taliye Indha-qarshe ayaa sheegay in ciidamada Xoogga dalka ee saldhigaasi joogay ay tiradoodu aad u yareyd halka maleeshiyaadka soo weeraray ay aad u tiro badnaayeen isla markaana ay la kulmeen jab iyo qasaare xoogan oo aysan filaneynin.

Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in shacabka soomaaliyeedu aad ugu riyaqeen guusha ay soo hooyeen geesiyaasha qaranku.

Ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed ayaa shalay guul taariikhiya ka soo hooyay dagaal culus oo ay shalay la galeen maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...