Howlgal ka dhan ah Argagaxisada oo ay ka waddan Ciidanka Xoogga gobolka Shabeelaha Hoose

Date:

Ciidanka Xoogga dalka ayaa wadda Howlgalo lagu bartilmaameyd sanayo  Kooxda Al-Shabaab looga na saarayo goobaha ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgalkaan ay ka waddan gobolka waxay ku bacsanayeen  haradiga  Argagaxisada sidoo kale waxay kala wareegeen goobo ay shacabka Soomaaliyeed ku dhibaateynayeen, intii u socday hawlgalka ayaa ciidanka xoogga dalka waxay ku dileen  Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab halka kuwo kale na ay ku dhaawaceen.

General Yuusuf Raage Odawaa Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga dalka oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay Ciidanku Howlgalkooda Kooxda Al Shabaab sii socon doono tan iyo inta laga siifeynayo Maleeshiyaadka Al Shabaab.

“Waxaan rajeynayaa insha allah in goobo badan oo Kooxda Al Shabaab ku sugan yihiin gaari doonaan Ciidanka qalabka sida waxaana jira qorshe balaaran oo ka dhan ah Al Shabaab” sidaas waxaa yiri Taliye Odawaa

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiinta Dowladda Japan 

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxamuud...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo dhaweeyay ansixinta hindise-sharciyeedka Dambiyada Saybarka

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Mudane Maxamed Aadam Macallim...

Soomaaliya oo ka qayb-galeysa Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika (TICAD9) 

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta,...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...