Xujeyda Soomaaliyeed ee ku sugan Maka oo ka mahadceliyay saacidaaddii ay u fidisay Dowladda Federaalka

Date:

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Cusmaan Aaden Dhuuboow oo uu wehliyo Qunsulka guud ee Magaalada , Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa  kormeeray Guryaha la dejiyay Xujeyda Soomaaliyeed ee  ku sugan Magaalada Maka Al-mukarrama.

Kormeerka mas’uuliyiinta ka socota Wasaaradda iyo Qunsuliyadda ayaa  ku aaddanaa in ay hubiyaan xaaladaha guud  ee Xujeyda Soomaaliyeed, sida ka warqabka nadaafaddooda, Cuntada, Caafimaadka Gaadiidka geeya Xaramka, Gargaarka deg-degga ah IWM.

Dr; Cabbaas C/llaahi Cali , oo ka mid ah Xujeyda Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Maka ayaa sheegay in qaabkii loo qaabbilay iyo sidii ay Dowladda Soomaaliya u abaabushay ay tahay mid aad u heer sarreysa, wuxuna sheegay in si weyn loogu fududeeyay tasiilaadkii ay u baahnaayeen.

Sidoo kale Xujeydii ku sugnayd Guryaha laga dejiyay Magaalada Maka ayaa waxay si wada jir ah ammaan iyo bogaadin ugu soo jeediyeen Dowladda Federaalka iyo Shirkadihii isku howlay in loo qabto dhammaan adeegyadii kala duwanaa ee ay u baahnaayeen, iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in inta ka harsan acmaasha Xajkuna loo fidin doono kaalmo intaa ka badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...