32 Qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Dalka Afghanistaan

Date:

32 Qof ayaa ku geeriyootay 17 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray, markii ay Maanta oo Arbaco ah Miino la kacday Gaari Bas ah oo ay saarnaayeen Dad Rayid ah, xilli uu marayar Waddo u dhaxeysa Kandahar iyo Herat ee Dalka Afghanistaan.

Afhayeenka maamulka Gobolka Farax , Muhibullah Muhib, oo warbaahinta Al-Jaziira la wadaagay qasaaraha halkaasi ka dhashay ayaa sheegay in ay Dadkaasi ku waxyeelloobeen Miino ay Ururka Taliban ku aaseen Waddada dhinaceeda.

“Miinadu waxay ahayd mid dhowaan ay meesha geliyeen Jabhadda Taliban, iyaga oo uu bartilmaameedkoodu ahaa Ciidamada Afghanistaan iyo kuwa nabad ilaalinta Caalamiga ah, waxanay dhibbanayaashu u badnaayeen Haween iyo Carruur”,ayuu yiri, Muhibullah Muhib.

Sediq Sediqqi, oo ah Afhayeenka Madaxtooyada Afghanistaan ayaa dhimashada ku sheegay in ay gaareyso 34 Qof, wuxuuna mas’uuliyadda qaraxa dusha ka saaray Ururka Talibaan ee Gacan-saarka la leh Al-Qaacidda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...