Wasiir ku xigeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo Dalka Sacuudiga Ku soo Dhoweeyay Xujeyda Soomaaliyeed

Date:

Jeddah (SNTV)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Cusmaan Aaden Dhuuboow,  ayaa Magaalada Madiina Al-munawara ee Dalka Sacuudi Carabiya kusoo dhoweeyay Xujeyda Soomaaliyeed ee halkaasi gaaraya si ay ugu war qabaan xaaladda Xujeyda.

Wasiirka oo ay socdaalkiisa  Indha-Indhaynta iyo soo dhoweynta ah ku wehliyaan , Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah , Ilyaas Sheekh Cumar, la taliyaha Wasaaradda, Maxamed C/raxmaan  Nadiif iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxay gaareen Garoonka Diyaaradaha ee Madiina, si ay ula socdaan Xujeyda halkaa tagaeysa iyo xaaladahooda guud.

Cusmaan Aaden Dhuuboow, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, ayaa sheegay in ay wadaan dedaallo ballaaran oo la xiriira ka war qabka xaaladda Xujeyda iyo fulinta adeegyada ay u baahan yihiin, taas oo ah qorshe ay ugu tala gashay Dowladda Federaalka, isagoo intaa raaciyay in ay sii Laba jibbaari doonaan howlaha ay halkaasi u joogaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan u dirtay Dalka Sacuudi Carabiya Guddi ka shaqeeya saacidaadda iyo la socoshada Xujeyda Soomaaliyeed, iyagoo kormeer iyo u kuurgal ku sameeyay inta badan Garoomada ay ka degaan Xujeyda, goobaha ay ka deggen yihiin Dalka Sacuudiga iyo qaabka ay acmaasha u gudanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Afhayeenka Madaxtooyada “Madaxweynaha Qaranka wuxuu Baydhabo u joogaa adkeynta nabadda iyo dhisidda nidaam maamul oo dimuqraadi ah”

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana), oo magaalada...

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyeeyay geerida taliyihii hore ee Danab iyo TurkiSom

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi,...

Taliyaha CXD oo dalacsiiyay ciidamadii ku guuleystay howlgalkii lagu furay waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa...

Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)

Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay si rasmi ah...