Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Bulshada Gaalkacyo iyo golaha deegaanka Waqooyiga Gaalkacyo

Date:

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulamo la qaatay qaybo kamid ah dhallinyarada iyo odayaasha dhaqanka ee labada dhinac ee Gaalkacyo iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka Waqooyiga Gaalkacyo.

Kulamada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay bulshada ayaa looga hadlay xoojinta nabad gelydada iyo isdhex galka Bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug iyo ka shaqeynta guud ahaan horumarka deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha oo dhammaan dhinacyada uu maanta kulanka kula qaatay Gaalkacyo ku bogaadiyay hannaanka wanaagsan ee xasilinta magaalada ayaa kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada sare u qaadidda Midnimada, wadajirka iyo adkeynta amaanka.

Shalay ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu Gaalkacyo ka dhagax dhigay Hoyga Nabadda oo qayb ka ah mashuurca nabadaynta magaalada Gaalkacyo si loo horumariyo nabadda iyo xasiloonida deegaan, looguna gogol xaaro horumar ballaan oo ay ku tillaabsadaan bulshada deegaanka ku nool.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...