Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Oo Ku ammaanay Shacabka Sida ay ula shaqeeyaan Ciidanka Ammaanka

Date:

SNTV:- Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Injireer; C/raxmaan Cumar (Yariisoow), oo Xalay guddoomiyay Shirka amniga Caasimadda ayaa daboolka ka qaaday in is beddel weyn lagu sameeyay sugidda nabadgelyada saddex Bil iyo 10 Cisho ka hor, aadna looga dareemay ammaanka Gobalka Banaadir inta uu qorshahaasi shaqeynayay.

Isagoo sheegay in ay laamaha ammaanku fashiliyeen qarax iyo isku day weerar, taasina ay marqaati ka tahay in Ciidamada geesiyaasha ay u heellan yihiin difaaca Dalkooda, isagoo sidoo kale ku ammaanay Shacabka Soomaaliyeed feejignaanta weyn ee ay muujiyeen.

Duqa magaalada ahna Guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa tibaaxay in ay maamulka Gobolka, degmooyinka, hay’adaha ammaanka iyo shacabka intaba isku xireen, taas oo sababtay in ay habeen kasta qabtaan kulan looga hadlo halka uu marayo ammaanka magaalo madaxda Muqdisho.

C/raxmaan Cumar Cismaan oo la hadlayay mas’uuliyiinta ayaa faray in ilaaladooda ay qaataan lebiska lagu yaqaan, wuxuuna sidoo kale digniin u diray askarta Millitariga ah ee tuutaha ku mara dariiqyada , isagoo u soo jeediyay in ay isu sheegaan ciidanka ammaanka ee kahawlgala  Waddooyinka, si aysan ugu soo dhex dhuuman argagixisada Al-Shabaab.

Mar uu la hadlayay guddoomiyaha dadka leh milkiyadda noocyada kala gedisan ee gaadiidka Ayaa ugu baaqay in ay samaystaan aqoonsiyo, is diiwaan geliyaan, bixiyaan canshuuraha ku waajibay, noqdaan muwaadiniin dhab ah oo Soomaaliyeed, haddii ay iska iibinayaanna ay ka beddelaan Magacooda, haddii kale ay ciqaabteeda dusha u ridan doonaan.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa ugu dambeeyntii usheegay in cadowga ummadda Soomaaliyeed uu yahay hal taasi oo uu ku tilmaamay in ay tahay kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab, waxaana uu ku bogaadiyay in ay lagama maarmaan tahay in halo o keliya looga soo wadajeesto, isagoo ku ammaanay Dad weynaha Muqdisho sida ay har iyo habeen u garab taagan yihiin Ciidanka amniga.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...