Madaxweyne Waare oo ku baaqay in la joojiyo colaad Beeleedyada ku soo noq-noqday degaanno ka tirsan Hiiraan

Date:

Jowhar-(SNTV):- Madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa waxgaradka Beelaha Gobolka Hiiraan ugu baaqay in ay joojiyaan colaadaha soo laa-laabta, wuxuuna sidoo kale ka tacsiyeeyay Dadka ku dhintay , isagoo kuwa dhaawaca ahna  u rajeeyay caafimaad qab.

Mudane; Waare, ayaa ku tilmaamay dagaal Beeleedyada ku soo noq-noqday degaanno hoos yimaadda Degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan in ay yihiin kuwo fidno ah oo aanan la aqbali karin

Madaxweynaha  ayaa tilmaamay in Hirshabelle ay diyaar u tahay in ay Gacan ka geysato wax walba oo sababi kara in dagaalladaasi lagu joojiyo, isagoo intaa raaciyay in dagaal Beeleedyada soo noq noqday ay yihiin kuwa taageero siinaya argagaxisada Al-Shabaab oo dadkeenna u diiddan nabad.

“Colaado leh muuqaal Qabiil, balse aysan siyaasadi ka marnayn ayaa ku soo laalaabtay Hirshabelle, waxaana ku baaqayaa  Odayaasha, Culumaa’udiinka iyo siyaasiyiinta Hirshabelle kasoo jeeda inay u istaagaan joojinta colaadahaas,” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweyne , Waare, ayaa ku baaqay in xabbada la joojiyo si dhuruud la’aan ah, wixii ay dhinacyadu isku hayaanna si nabad ah lagu dhameeyo, wuxuuna sidoo kale soo jeediyay in Beelaha ay diritu ka dhaxeyso isu sheegtaan tabashadooda,  dabeedna ay iska raalli geliyaan waxyaabaha ay kala tabanayaan.

Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ,ayaa sheegay  inay soo arkeen  dhibaatada ay colaaddu leedahay, balse loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo nabadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...