Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga Batroolka Dalka

Date:

Muqdisho (SNTV):-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Jamuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay sharciga batroolka dalka,kaasi oo ay soo gudbisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa ogolaatay meelmarinta sharcigan Batroolka,150 xildhibaan,waxaana diiday,4 mudane,sidaasi ayuuna ansax ku noqday,sida uu ku dhawaaqay Guddoonka Golaha Shacabka.

Wasiirka macdanta iyo Batroolka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo gudoomiyaha guddiga kheyraadka dabiiciga ah iyo bay’ada ee golaha shacabka Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gamaadiid ayaa golaha uga mahad celiyay anasixinta sharciga Batroolka.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dib u celiyay hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga la dagaalanka musuq maasuqa oo maanta lagu balansanaa in loo codeeyo,ka dib markii qaar ka mid ah xildhibaanada ay aragtiyo ka dhiibteen su’aalana ay ka keeneen qodobo ka mid ah hindise sharciyeedkan sida uu sheegay shir guddoonka Kulanka.

Ugu dambeyn wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa golaha ka hor jeediyay Hindise sharciyeedka doorashooyinka Qaranka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanda golaha shacabka ayaa su’aalo hindise sharciyeedka Arrimaha doorashooyinka la xiriira weydiiyay wasiirka oo isagana ka jawaabay.

Sidoo kale xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta loo qeybiyay wax ka bedelka sharciga iibka Qaranka,waxaana kulanka soo xiray Kusimaha Guddoomiyaha golaha shacabka ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...