Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Taliska Qaybta Guud Ee Booliiska Gobalka Banaadir iyo Isgoysyada Muqdisho

Date:

Muqdisho; Isniin, May 13, 2019 —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedreaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, oo caawa kormeer amni ku tegay taliska Qaybta Guud ee booliiska gobalka Banaadir iyo Isgoysada ay ku sugaynyihiin ciidamada sugaya amniga caasimadda, ayaa booqday xarunta hagista iyo ka jawaabidda numberka 991 ee Booliisku dhawaan howl geliyeen si shacabku ay ugu soo gudbiyaan xogaha ay helaan.

Howl-wadeennada Booliiska ee u xil saaran shaqada xooggna ee isku xirka booliiska iyo shacabka xogta usoo gudbinaya, ayaa Ra’iisul Wasaaraha siiyay warbixin la xariixta hannaanka ay u shaqeeyaan iyo wixii u qabsoomay booliika wixii ka dambeeyay markii dhawaan la howl geliyay nambarka 991.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay saraakiisha booliiska in wada-shaqaynta booliiska iyo bulshada inteeda kale ay muhiim u yihiin sugidda amniga, dalka nambarka gaabaanna uu kamid yahay wadiiqooyinka ugu muhiimsan ee isku xirka, waxa uuna laamaha amniga kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu sugayo amniga.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo booqday qaybo kamid ah goobaha ay bulshadu isugu timaado iyo xarumo ganacsi ayaa kormeeray taalladda SYL oo ay ka socoto howl dardar leh oo si is-xilqaan ah loogu dhisayo, iyada oo lagu jiro toddobaadka munaasabadda xuska dhallinyara Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...