Maamulka G. Banaadir oo maanta dhagax dhigey waddo laami ah oo laga hirgalinayo Degmada Shingaani

Date:

Muqdisho 08 May 2019—Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta dhagax dhigey waddo laami ah oo laga hirgalinayo Degmada Shingaani, waddadan ayaa waxa ay ka bilaabaneysaa Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ilaa Saldhiga Degmada Cabdi-Casiis oo muhiim u ah isu socodka labada Degmo.

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur oo ka hadlay dhagax-dhigga waddadan cusub ee maamulku dhisayo ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in shacabka lagu celiyo canshuuraha laga soo qaado, si bulshadu u dareento wixii ay bixiyeen in wax loogu qabtay.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in jidkani uu laf-dhabar u yahay isku socodka Caasimadda, gaar ahaan labada degmo ee Shingaani iyo Cabdicasiis oo waddadan ay isku xirto.

Sidoo kale, Guddoomiye Xuseen ayaa ugu baaqay shacabka Caasimadda in loo istaago horumarka iyo bilic soo celinta Caasimadda, iyadoo muwaadin walba ay tahay masuuliyad saaran ilaalinta nadaafadda deegaanka uu dagan yahay.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa horey ugu dhawaaqay in sanadka 2019 ay ka fulin doonaan Caasimadda mashaariic horumarineed oo lagu dhisayo kaabayaasha adeegyada bulshada.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku xigeenada Arrimaha Bulshada, Howlaha Guud iyo Guddoomiyaha Degmada Shingaani.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Hindise Sharciyeedka Mamnuucidda Gudniinka Fircooniga

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Madaxweynaha JFS oo khudbad ku saabsan xaaladda dalka u jeedin doono Xildhibaannada Labada Aqal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay gobolka Galguduud

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo...

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Haashimi ee Urdun, Jamhuuriyadda...