Madaxwanaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyay shirka wasiirrada oo ay ka qayb galeen Howl-wadeenno Ka Socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Date:

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha dawlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada KGS oo ay ka qayb galeen khuburo iyo howl-wadeenno ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Shirka ayaa looga hadlay qorsha daadejinta tubaha qaranka, waxa uuna madaxwaynaha Koonfur galbeed uga mahad-celiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre sida uu uga aqbalay codsigiisii ahaa in koonfur galbeed laga hir-geliyo tubaha qaranka si shaqooyinka dhan loogu saleeyo halbeegyada tubaha.

Howl-wadeennaha iyo khuburada kale ee ka socda xafiiska ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dhawaan ku guuleestay in ay dawlad gobaleedka Hir-shabeelle ka hir-geliyaan afarta tubood ee kala ah, Amniga iyo cadaaladda , Siyaasadda loo dhanyahay, horumarinta dhaqaalaha iyo horumarinta arrimaha bulshada, ayaa qorshohooda ugu wayn ee socdaalkooda Baydhbao waxa uu yahay in ay dhidibada u taagaan tubaha Koonfur galbeed si hannaan wadajir ah loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Khuburada ayaa waxa ay tababarayaan howl-wadeennada madaxtooyada Koonfur galbeed ay u diyaarisay in ay wadaan howlaha tubaha, waxa ayna sidoo kale howl-wadeennada la diyaarinayaan halbeegyada tubaha.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Maamulka Hirshabeelle oo kaalmo lacag ah gaarsiiyay ciidanka ku jira Martiini

Guddiga Taakuleynta Ciidamada ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa deeq...

Mas’uuliyiinta Hiiraan oo guddoomay deeq samofal ah oo loogu talagalay ciidanka

Mas’uuliyiin ka socday Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug iyo odoyasha...

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo cod oo ka bilowday magaalada Jowhar

Waxaa maanta magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle...