Madaxwanaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyay shirka wasiirrada oo ay ka qayb galeen Howl-wadeenno Ka Socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Date:

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha dawlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada KGS oo ay ka qayb galeen khuburo iyo howl-wadeenno ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Shirka ayaa looga hadlay qorsha daadejinta tubaha qaranka, waxa uuna madaxwaynaha Koonfur galbeed uga mahad-celiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre sida uu uga aqbalay codsigiisii ahaa in koonfur galbeed laga hir-geliyo tubaha qaranka si shaqooyinka dhan loogu saleeyo halbeegyada tubaha.

Howl-wadeennaha iyo khuburada kale ee ka socda xafiiska ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dhawaan ku guuleestay in ay dawlad gobaleedka Hir-shabeelle ka hir-geliyaan afarta tubood ee kala ah, Amniga iyo cadaaladda , Siyaasadda loo dhanyahay, horumarinta dhaqaalaha iyo horumarinta arrimaha bulshada, ayaa qorshohooda ugu wayn ee socdaalkooda Baydhbao waxa uu yahay in ay dhidibada u taagaan tubaha Koonfur galbeed si hannaan wadajir ah loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Khuburada ayaa waxa ay tababarayaan howl-wadeennada madaxtooyada Koonfur galbeed ay u diyaarisay in ay wadaan howlaha tubaha, waxa ayna sidoo kale howl-wadeennada la diyaarinayaan halbeegyada tubaha.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...