Eng.Yarisow “Waa Fal Waxashnimo ah in Gabar Soomaaliyeed loo diido in ay ku Umusho Isbitaal”

Date:

Abriil 03, 2019; Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa si kulul u cambaareeyey dhacdo lagula kacay gabar Soomaaliyeed oo loo diiday in ay ku umusho goob caafimaad oo ku taala Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha oo falkaas ku tilmaamay mid arxan darro ah ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay u fidiyeen muwaadinaddaas gurmad caafimaad oo deg deg ah, haatanna ay bad qabaan hooyada iyo ilmaheeda oo lagu hayo mid ka mid ah Hosbitaallada Muqdisho.

“Waxaa nasiib darro ah in Muwaadinad Soomaaliyeed oo fool ah in ay ku hor silicdo xarun caafimaad oo loo asaasay in ay hooyada iyo dhallaanka u adeegto. Xilli saq dhexe ah in loo diido xaamilo ugub ah adeeggii caafimaadka ee ay u baahnyad oo ay ko hor dhasho goobtaas waa dhacdo aad u xanuun badan oo ay tahay in si adag loola xisaabtamo ciddii ka danbaysay arrinkaas.”

Guddoomiyaha ayaa faray laamaha adeegyada bulshada ee heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Banaadir in ay si dhaw ula socdaan adeegyada caafimaad ee danta guud, dadaaalna ku bixiyaan sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ka soo food saara muwaadiniinta guud ahaan goobaha caafimaadka.

Duqa Muqdisho ayaa xusay iyadoo la kaashanayao Hay’adaha Garsoorka in Caddaaladda la horkeeni doono dadkii falkan kula kacay muwaadinadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in uu haatan socdo qorshe ay kala kaashanayaan Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya kaas oo ku saabsan dib u habaynta iyo diyaarinta xeerka goobaha caafimaadka ee Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...