Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle oo wadahadallo ku yeesahy Villa Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay Villa Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray danaha ay labada dal wadaagaan, xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dhinac iyo dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah ee u taagan daadinta dhiigga shacabka iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in imaatinkoodu ka tarjumayo xiriirka walaaltinimo ee labada dal isaga oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uga mahadceliyey sida ay uga go’an tahay inuu Soomaaliya ugu garab galo la dagaalanka argagaxisada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidamada Hiil Walaal ka qaataan nabadgelyada dalka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya, taasi oo ka tarjumaysa sida ay Dowladda Jabuuti daacadda uga tahay garabsiinta walaalahooda Soomaaliyeed.

“Waa maalin taariikhi ah oo xaqiiqatan ka tarjumaysa xiriirka labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah. Waa inaan xoojinno iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo wax wada qabsiga. Arrinta ugu muhiimsan waa iskaashiga arrimaha amniga iyo la dagaallanka qolooyinkan argagaxisada ah. Waxaan aad iyo aad runtii kaaga mahadcelinayaa hoggaankaaga oo aad qayb uga tahay la dagaallanka argagaxisada.”

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa sheegay inuu farriin walaaltinimo, hambalyo iyo dhiirrigelin uga sido shacabka reer Jabuuti, isaga oo hoosta ka xarriiqay in labada waddan ay wadaagaan xiriir walaaltinimo oo soojireen ah, dowladdiisana ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ku taageerto sidii ay ula soo noqon lahayd maqaamkii iyo sharaftii ay ku lahayd caalamka.

“Dadweyneheennu waxa ay jecel yihiin inaan iskaashiga sii biirinno (kordhinno), waxa uu jecel yahay inaan wadaagno dhib iyo dheefba, waxa uu jecel yahay inaan isku duubnaanno, annaguna waxaan fulinaynaa waxa uu dadweyneheennu leeyahay. Wehel baad noo tihiin, annaguna wehel baan idiin nahay.”

Wafdiga qaybta ka ah safarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo La-taliyayaal ayaa maanta iyo berri kulamo wadatashi ah la yeelan doona dhiggooda Soomaaliya si ay uga wada xaajoodaan adkeynta iyo sare u qaadidda wadashaqaynta ka dhexaysa labada dhinac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...