Al-Shabaab oo Dad ka Af-duubtay Gal-gaduud

Date:

Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa Wiil iyo Aabbahii ka Af-duubtay  degaanka Gal-Qoryaale oo hoos taga Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Labada Nin ee ay Al-Shabaab Afduubteen ayaa  lagu kala Magacaabo jiray, Maxamed C/raxmaan Xersi iyo Aabbihii C/raxmaan Xersi Warsame.

dadka degaanka ayaa sheegay in ay Maalmo ka hor weydiisteen Xoolo iyo Lagaco balse ay ka Biyo diideen labada nin ee la Afduubtay, Alshabaab ayaa cadeeystay in ay fuliyaan falaal ay dadka ku argagax galinayan kadib marka ay kasoo horjeedistan xoolaha ay ka doonayn  falaalka guracan  ee dhaqanka u ah kooxda dhagarta u saaxiibka ah ay intaa badan waxay ku waxyeeleyaan dadka Shacabka ee ka ogdhow degaanada ay naf lacaariga ku yihiin.

Bulshada  degaanka ayaa sheegay  in shabaab ay dadka ugu caga jugleyna Afduub iyo dil hadi ay bixiinwayn bada ay malleeshida Al-Shabaab  cadeystay .labada nin ee isdhalay  oo ay ka wateen  Galqoraale waxay ula dhaqaaqeen dhinaca degaanka Ceel-garas.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay halkaasi u direen Ciidamo, si loogu soo furto Gacanta Kooxda Argagixisada ah Dadka ay qafaasheen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...

Wasiir Fiqi oo hambalyeeyey doorka difaaca dalka ee dhalinyaradda Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa South Africa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...